Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska ayaa magaalada London, waxay ka furtay hoy cusub oo lagu soo bandhigayo dhaqanka, farxshaxanka iyo taariikhda ummadda Soomaaliyeed.
Munaasabadii furitaanka hoygaasi cusub, waxaa ka soo qaybgalay dad isugu jiray mas’uuliyiinta jaaliyadda Soomaalida Ingiriiska iyo marti sharaf kale oo ka koobneyd Soomaali iyo ajnabi.
Qaar ka mid ah madaxdii munaasabadaasi ka soo qaybgashay ayaa soo dhaweeyay furitaanka hoygaasi qaabilsan dhinaca dhaqanka, waxayna caddeeyeen inay ka go’an tahay taageerida hoygaasi.
Xaruntan oo loogu magacdarey hoyga dhaqanka, waxaa loogu talaggalay sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqanka iyo taariikhda ummadda Soomaaliyeed.















