Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Waxbarashada 17/8/2023, ayaa lagu sheegay billaabo sannad-dugsiyeedka 2023/2024, in dhammaan ardayda doonaysa inay galaan tacliinta jaamacadeed, waa in ay maraan hal sano oo waxbarasho asaasi ah (Foundation Year).
Wareegtadaasi oo ku saxiixnaa Wasiirka Wasaaradaas Faarax Shiikh C/qaadir ayaa lagu caddeeyay maaddooyinka lagu baranayo sannadka waxbarashada ee asaasiga ah, in ay ka mid yihiin: afka Soomaaliga (oo ay ku jiraan suugaanta, dhaqanka iyo taariikhda), afafka Carabiga iyo Ingiriiska (ama luqadda uu ardaygu ku qaadan doono waxbarashadiisa jaamacadeed), daraasaadka Islaamka (fahamka guud iyo akhlaaqda Islaamka), xirfadaha hab-qoraalka akadeemigga ah, xirfadaha xallinta khilaafaadka, xiriirka bulshada iyo hab fekerka naqdineed (Critical Thinking).
Wareegtadaasi oo ku socotay madaxda jaamacadaha dalka ayaa lagu farey inay u hogaansamaan hirgalinta go’aannadaas ka soo baxay Wasasaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare.















