Xaflad aad u ballaaran oo lagu maamuusayay xuska maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed oo ku astaysan maalintii ugu horeysay ee uu soo baxo wargayskii Xiddigtii Oktoobar ee sannadkii 1973-kii, ayna ka soo qeyb-galeen Wasiirro, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), Safiirro, aqoonyahanno, waxgarad, saxafiyiin iyo marti sharaf aad u badan ayaa habeenkii xalay ahaa oo ku beegneyd 21/1/2021, waxaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee magaalada Muqdisho.
Munaasabaddaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka hadlay Agaasimaha Waaxda Qoraalka iyo Wargayska ee Wasaaradda Warfaafinta Ifraax Maxamed Cabdi-kariin, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Naasir Xuseen iyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Md, Cismaan Abuukar Dubbe, kuwaasi oo si faahfaahsan uga sheekeeyay dadaalka ay Wasaaradda Warfaafinta ku bixiso soo saarista wargayska qaranka ee haatan loo bixiyay Ilayska Dalka, iyaga oo dhinaca kale guud ahaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska maalinta 21 Janaayo oo loo dabaaldego xuska maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.
Sidoo kale, waxaa xafladaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Bayle, Senator Cabdi-waaxid Cilmi Goonjeex, Xildhibaan, Danjire C/laahi Shiikh Ismaaciil, Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax, Wasiir hore Aadan Maxamed Cali iyo masuuliyiin kale, kuwaasi oo si kala gooni-gooni ah uga hadlay taariikhda iyo heerarkii ay soo martay saxaafadda Soomaaliyeed iyo sida uu ku dhashay wargayskii ugu horeeyay ee 21 Janaayo 1973-kii ku soo baxa afkeena hooyo.
Munaasabaddaasi ayaa intii ay socotay, waxaa lagu soo bandhigay suugaan iyo sheekooyin kala duwan, waxaana sidoo kale halkaasi lagu daawadey filim kooban oo ka tarjumayay sida loo soo saaro wargeyska Ilayska Dalka ee ku hadla codka Dawladda Federaalka Soomaaliya.