Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa iyada oo ka duulaysa muhiimada ay leedahay warbaahinta waxay sannadkii hore aas-aastay Warside u gaar ah oo ku hadla codka Akadeemiyada, kaasi oo haatan ay u buuxsantay sannad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay unkidiisa.
Taariikh ahaan Warsidahaas ayaa markii ugu horeysay la soo saarey 2018-kii waqtigaan oo kale oo ku beegneyd sannadkii hore, waxaana xilligaas soo baxay caddadkii Koowaad “Tirsigii Koowaad, sannadkii Koowaad ee Warsidahaas.
Sida ku suntan magaciisa, Warsidaha Aga waxa uu u xil saaran yahay baahinta warrarka ay qabato Hay’ad cilmiyeed hawsheedu tahay daryeelka iyo horumarinta afka hooyo, waxaana lagu qoraa warrar, barnaamijyo, wareysiyo, maqaallo, suugaan, madadaalo iyo sheekooyin la xiriira afka, hal-abuurka, dhaqanka, aqoon-faafinta iyo wax kasta oo muhiim u ah hiilka afkeena hooyo.
Warsidahaan oo ah Warside xilliyeed, waxaa lagu bilaabay Saddexdii biloodba mar inuu soo baxo, hase yeeshee hiigsigiisu waxa uu yahay inuu noqdo Warside bille ah, waxaana loo sameeyay inuu warrarka gaarsiiyo inta aan goobjoogga ka ahayn waxqabadka dhacay ee ku kala sugan daafyaha dunida, wuxuuna ku soo baxaa nuqul daabacan iyo mid elektaroonik ah.
Abuuritaankii Warsidahaas waxay aheyd talaabo hor leh oo lagu soo kordhiyay aaladdaha warbaahinta Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga.