Wakiilka Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga ee qaaradda Yurub, ahna mas’uul ka tirsan guddiga fulinta ee AGA, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon ayaa 20/1/2025, waxaa kulan sagootin ah loogu sameeyay xarunta dhexe ee Akademiyada ee magaalada Muqdisho.
Kulankaasi oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Akademiya Goboleedka AGA iyo naadiga Somali Pen, ayaa waxaa ka soo qaybgalay aqoonyahanno, qorayaal, xeeldheerayaal, abwaannno, saxafiyiin iyo marti sharaf kale.
Mas’uuliyiinta AGA & Somali Pen oo halkaasi ka hadlay ayaa ka warramay taariikhda, waxqabadka, daacadnimada iyo hiilka uu Md, Abtidoon ugu jiro horumarinta af Soomaaliga, iyagoo qiray in aqoonyahan Abtidoon uu yahay dhaxal ummadeed oo muhiim ah.
Gabaggabadii kulankaasi waxaa ka hadlay Wakiilka AGA ee Yurub Md, Cabdiraxmaan Abtidoon oo sheegay inuu ka mahadnaqayo kulanka sagootinta ee loo sameeyay, isagoo caddeeyay inuu dadaalkiisa halkiisa ka sii wadi doono.
Kulankaasi ayaa ku dhammaaday jawi aad u wanaagsan, iyadoo Md, Abtidoon halkaasi lagu guddoonsiiyay hadiyaddo kala duwan.