Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomalaiga (AGA) ee wadanka Sweden Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad) ayaa wareysiyo gaar-gaar ah kala siiyay qaar ka mid ah Taleefishinnada waa-weyn ee fadhigoodu uu yahay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Taleefishinnadaas oo isugu jira qaar caalami ah iyo kuwo ku kooban gudaha Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah SNTV, Somali Cable TV, Goobjoog TV, Dalsan TV iyo Channelka loo yaqaano Astaan TV, sidoo kale Wakiilka AGA ayaa wareysi gaar ah siiyay Iddaacadda la yiraahdo Kulmiye {KNN}.

Dr. Xuseen Wadaad ayaa warbaahintaasi uga warramanay dadaalka ay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ugu jirto daryeelka iyo hiilka afka hooyo, waxaana uu si gaar ah ugu sharaxay shaqooyinka ay qabato Laanta Akadeemiyada ee ka furan wadanka Sweden.

Dhinaca kale Wakiilka AGA ee dalka Sweden ayaa Taleefishinnadaasi uga sheekeeyay taariikhdiisa ku aadan dhinacyada Qoraalka, Waxbarashada, Aqoon-faafinta iyo Suugaanta, waxaana uu warbaahintaasi la wadaagyay waayihiisii hore ee Soomaaliya iyo sidii uu dalku ahaa 35 sanno ka hor intii aanu ka amba-bixin.

Wakiilka AGA ee Sweden Dr. Xuseen Wadaad ayaa dhawaan booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, waxaana uu ka qeyb-qaatay Bandhiggii 5-aad ee Buugaagta Muqdisho.