Wakiillada Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ee Qaaradda Yurub  Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon iyo Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad) ayaa maanta oo ku beegan 21/8/2019 waxa ay si mug leh uga soo dhex muuqdeen dood cilmiyeedkii Koowaad ee lagu daah-furay Bandhigga Buugaagta Muqdisho.

Dooddaas oo aad u xiiso badneyd ayaa Wakiillada AGA waxaa kala qeyb-qaatay aqoonyahannad lagu magacaabo  Macallin Fartuun Kuusoow, waxaana dooddaasi oo aad loo jecleystay lagu gorfeeyay mowduuc ku saabsanaa ololihii Aqriska iyo Qoraalka farta Soomaaliga oo ay hirgilisay Dowladdii Soomaaliya, waxaana daadihinayay Wariye Axmed Cabdi Ceynab

Cilmi-baare Cabdiraxmaan Abtidoon iyo Qoraa Xuseen Maxamed Cabdulle ayaa caddeeyay in ololihii 1974-kii uu ahaa dhacdo ay Soomaaliya kaga yaabisay caalamka, waxayna iftiimiyeen ololahaasi inay wax  ku barteen Boqollaal Kun oo  Soomaali ah, iyaga oo dhinaca kale ka sheekeeyeey xaalku sidii uu ahaa xilligaasi.

“Xaqiiqdii waa la sameyn karaa olole ka waxtar badan midkii hore, laakiin waxaa jira caqabado badan oo ku horgudban in lagu dhaqaaqo” ayay yiraahdeen Wakiilladaasi ka tirsan Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo sharaxayay sida mustaqbalka loo abaabuli karo olole la mid ah midkii hore oo kale.

Qaar ka mid ah ka qeyb-galayaashii bandhiggaasi ayaa weydiiyay Wakiilladaasi halka waqtigaan loogu soo hagaagi karo Tuxaan bixinta qoraalka farta Soomaaliga, Wakiilladaasi oo ka jawaabayay su’aashaasi ayaa ku cel-celiyay in arintaasi iyo hiilka afka Soomaaligaba loogu soo hagaagi karo Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, iyaga oo si cilimiyaysan uga hadlay dadaalka ay Akadeemiyadu ugu jirto daryeelka  afkeena hooyo.