Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga AGA ee K/Galbeed Prof. Maxamed Cali Kalaay ayaa magaalada Baydhabo uga qeyb-galay bandhig loogu tala-galay daah-furka buug cusub oo lagu soo bandhiggay magaaladaas.
Bandhigga buuggaasi ayaa qeyb ka ahaa madasha loo yaqaano buugga iyo qoraaga, taasi oo bishiiba hal mar lagu qabto magaalada Baydhabo, madashaas oo aheyd middii Lixaad ee ka dhacda halkaasi ayaa qabashadeeda waxaa iska kaashadey Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya iyo hHay’addo kala duwan.
Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Aga ee K/Galbeed Prof. Maxamed Cali Kalaay oo munaasabaddii bandhigga buuggaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyay wanaaga ay leeyihiin Akhriska iyo Qoraalka, waxaana uu ku baraarujiyey Da’ yarta jecel Qorista Buuggaagta iyo soo nooleynta Dhaqanka inay dadaalkooda laba-jibaarraan, isagoo balan-qaaday Jaamacadda Koofurta Soomaaliya in ay sii wadi doonto Bandhigyada Noocaas ah.
Munaasabaddaas waxaa isna ka hadlay qoraagga buuggii madashaas lagu soo bandhiggay Sheekh Aadan Sheekh Siciid, waxaana uu ka qeyb galayaasha la wadaagay macluumaadka uu xambaarsan yahay buuggiisa loogu magac daray Wargelinta Jiilalka Taariikhda Gumeysiga Soomaaliyeed.
Madashii bandhiggaasi oo aad looga helay ayaa gaba-gabadedii waxaa lagu bixiyay nuqulo ka mid ah buuggii halkaasi lagu soo bandhiggay.