Xaflad lagu maamuusayay Maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo ku asteeysan 21ka November, ayna ka soo qeyb-galeen masuuliyiin ka kala socotay qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa si kala gooni-gooni ah loogu kala qabtay magaalooyinka Eskilstuna iyo Katrineholm oo labaduba ka tirsan waddanka Sweden.
Munaasabaddaas oo ku saabsaneyd Xuska maalinta Macallinka, waxaa ku mataaneysnaa Bandhig Buugeed lagu lamaaniyay xafladdaas, iyada oo Buugaagtii lagu soo bandhigay halkaasina ay ka mid ahaayeen:
1. Buugga Gacal iyo Gayaan oo uu qoray Laashin Xasan Cabdulle Calasoow.
2. Buugga Waayihii Warsame oo uu qoray Qoraa Cali M.Diini.
3. Buugga Kaymadoow oo uu qoray Cabdullaahi Macallin Siyaasi.
4. Bidhaamiye oo uu qoray Barbaariye Bashiir Cali Xuseen
5. Gaso, Ganuun iyo Gasiin oo uu qoray Prof. Cali Jimcaale Axmed
6. Godob iyo Gallad oo uu qoray Aqoonyahan Xuseen Maxamed Cabdulle ”WADAAD”
Wakiilka AGA ee waddanka Sweden iyo Waddamada Waqooyiga Yurub Aqoonyahan Xuseen M. Cabdulle ”WADAAD”, oo munaasabaddaasi ka hadlay ayaa ugu horeyntii hambalyo iyo bogaadin huwiyay Macallinka Soomaaliyeed, waxaana uu u rajeeyay horumar iyo guul.
Dhinaca kale Wakiilka Hambalyadaas mid la mid ah waxaa uu ka gudbiyay Guddoomiyaha AGA Dr. Maxamed Daahir Afrax, waxaana uu bulshada la wadaagay Doorka AGA ee horumarinka Afka Soomaaliga iyo kaalinta looga baahan yahay Waalidka iyo Macallinka qurbaha ku nool.
Dr. Xuseen Wadaad oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuuxnuuxsaday Muhiimadda ay leedahay ilaalinta Afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, waxaana uu caddeeyay haddii aan afka iyo dhaqanka la daryeelin inuu halis galayo ummaddu jiritaankeeda, isga oo ku baaqay in loo wada guntado u Hiilinta AfSoomaaliga.
Sidoo kale waxaa munaasabaddaasi ka hadlay aqoonyahannadii Barbaariye, Qoraa, Fannaan Bashiir Cali Xuseen, Qoraa, Laashin Xasan Cabdulle Calasoow, Macallin Nuur Cali Yuusuf iyo aqoonyahnno kale kuwaasi oo dhammaantood Hambalyeeyay Maalinta Macallinka iyo Qorayaasha soo bandhigay Buugaagta ay u qoreen Bulshadooda, waxeeyna ku dhiirrigeliyeen in ay sii wadaan dedaallada ku aaddan Buug qorista.
Xafladaasi oo aad loo jecleystay ayaa Heeso ka tarjumayay Waxbarashada waxaa ku soo bandhigtay Elisabeth Ask oo ah Swedish barata Afsoomaaliga, taasi oo ku heesaysay afkeena hooyo ee Soomaaliga.














