Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ee dalka Jabuuti Dr. Nimcaan Cabdillaahi Qawrax ayaa 8/2/2021 waxa uu magaalada Jabuuti kulan Casho-sharaf ah ugu sameeyay wafdigii ka socday Akadeemiye-Goboleedka ee ka soo qeyb-galay xuskii lagu maamuusayay 20-guuradii ka soo wareegtay aas-aaskii jaamacadda Jabuuti.

Laanta AGA ee dalka Jabuuti oo soo qaban-qaabisay Casha-sharaftaasi ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Guddoomiyaha AGA Dr. Maxamed Daahir Afrax oo hogaaminayay wafdigii booqashada ku tagay wadanka Jabuuti iyo xubnihii la socday oo ka amba-baxay magaalada Muqdisho.

Kulankaasi oo si si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa la isku dhaafsadey arimo la xiriira sii horumarinta hawlaha Akadeemiyada iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Goosanka Xarunta Dhexe iyo Wakiillada laamaha ee Akadeemiye-Goboleedka AGA.

Ugu dambayntii Wakiilka AGA ee dalka Jabuuti Dr. Nimcaan Cabdillaahi Qawrax ayaa wafdiga la wadaagay dadaalka ay dawladda Jabuuti iyo Madaxweynaheeda Md, Ismaaciil Cumar Geelle ay ugu jiraan hiilka Afka Soomaaliga iyo Akadeemiyadiisa, isaga oo uga mahad-celiyay taageeradooda hagar la’aanneed.