Wakiilka Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ee dalka Ingiriiska Prof. Cabdulqaadir Ruumi Abuukar ayaa 17/5/2024, wuxuu muxaadaro qiimo badan oo ku saabsan “Waayo-aragnimadiisii ee jaamacadda ummadda Soomaaliyeed iyo iskaashigii waddanka Talyaaniga iyo Soomaaliya” uu ka soo jeediyay bandhigga toddobaadka Soomaalida ee magaalada Milano ee waddanka Talyaaniga.

Prof. Cabdulqaadir Ruumi ayaa tilmaamay in iskaashigii jaamacadda ee Soomaaliya iyo Talyaaniga uu ahaa mid ay ka faaii’daysteen arday badan, oo ka qaybqaatay dibudhiska dhismaha hay’adaha dowliga ah, sida kuwa caafimaadka, garsoorka iyo waxbarashada, isagoo intaasi raaciyay in iskaashiga labada dawladood uu ahaa fikir wanaagsan oo arday badan oo Soomaaliyeed ay ka faa’iidaysteen, kuwaasi dalkooda hooyo ku bartay aqoontii ay u baahnaayeen.

Sidoo kale, waxaa madashaasi ka hadashay Dott.ssa Federica Colomo oo ka warrantay tadawurkii ay samaysay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed, iyadoo caddaysay inay jiraan dokumentiyo badan ee la xiriira dastuurka iyo Cilmibaarista Soomaalida oo ku qoran afka Talyaaniga.

Toddobaadka Soomaalida ee ka furmay magaalada Milano ee dalka Talyaaniga 11/5/ 2024, ayaa waxaa la soo gunaanaday 17/5/2024, waxaana soo xirray Mr. Luca, oo ah duqa magaalada Baranzate, iyadoo halkudhigga sanadkan uu ahaa: “Aan ka wada sheekeysanno Soomaaliya” (Codka qurbajoogta).