Xaflad loogu tala-galay soo dhaweynta Laashin Axmadeey Cabdi Gaashaan oo ka mid ah hal-abuurada taariikhda ku leh fanka Soomaaliyeed  ayaa habeenkii 16/12/2019 waxaa lagu qabtay magaalada London ee wadanka Ingiriiska.

Munaasabaddii xafladdaasi oo ay soo qaban-qaabisay Guddoomiyaha ururka Haweenka UK Nadiifo Cali ayaa waxa ka soo qeyb-galay Laashin Axmadeey Cabdi Gaashaan oo beryahan marti ku ahaa dalka Britain, hoggaanka Jaaliyadda Soomaalida ee UK, madax ka tirsan AGA, fannaaniin iyo marti sharaf kale.

Wakiilka AGA ee dalka Ingiriiska Prof Cabdulqaadir Ruumi oo ka hadlay xafladdaasi ayaa ka warbixiyay himilada iyo howlaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, gaar ahaan qaybta UK., waxaana  uu si qoto dheer uga sheekeeyay howlaha ay Akadeemiyada AGA ka  wado wadamada Yurub ee kala ah wacyigelinta iyo ololaha hiilka afka hooyo iyo hal-abuurkiisa.

 Intii ay xafladdaasi socotay waxaa halkaas heeso ka qaaday Laashin Axmadeey Cabdi Gaashaan iyo fannaanadda Maryan Ruun Xasan Cade, waxaana xusid mudan inay xafladdaas goob-joog ka ahaayeen hoggaanka jaaliyadda Soomaalida ee UK ee kala ah: Qaali Nuura, Dr Muhiddin Daqarre, Maxamad Maclow iyo Wakililka AGA ee Qaaradda Yurub Al-ustaad Cabdiraxmaan Abtidoon.