Masuuliyiin ka mid ah Wakiillada Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ee Qaaradda Yurub ayaa ku soo fool leh magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb-qaataan carwada 5-aad ee Bandhigga Buugaagta Muqdisho.

Madaxdaasi oo ka kooban dhawr xubnood ayaa waxaa ka mid ah Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ee Qaaradda Yurub Dr. Cabdiraxmaan Abtidoon, Wakiilka AGA ee wadanka Sweden Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad) iyo Drs. Seynab Daahir oo xubin fir-fircoon ka ah guddiga Akadeemiyada ee dalka Ingiriiska.

Wakiilladaasi oo dhinaca kale ah qorayaal caan ah ayaa la filayaa inay bandhiggaasi ka soo jeediyaan warbixinno la xiriira dhinacyada Waxbarashada, Aqoon faafinta iyo macluumaad ku saabsan buugaag ay qoreen.

Dhinaca kale madaxdaasi ayaa maalmaha ay joogaan caasimadda Soomaaliya waxa ay kulamo ku aadan horumarinta hawlaha Akadeemiyada la yeelan doonaan Goosanka AGA ee magaalada Muqdisho.