Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir  Afrax ayna ka mid ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka iyo maqaawiirta AGA ee kala ah Axmed Faarax Cali (Idaajaa), Ismaciil Xuseen Tani iyo Xaashi Cabdillaahi Orrax ayaa Madaxweynaha cusub  ee Dawlad Degaanka Soomaalida, Mud. Mustafa Maxamuud Cumar waxa ay  kulan taariikhi ah kula yeesheen xafiiskiisa magaalada Jigjiga.

Hadal uu munaasabaddaas ka soo jeediyay  Guddoomiyaha Aga Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa Madaxweyne Mustafe xog-warran ka siiyay taariikhda iyo hawlaha ay qabato Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga,  waxaana uu halkaas ku guddoonsiiyay  buuggaag, nuqulo ka mid ah Warsidaha Aga  iyo qoraalo kale oo badan, isagoo  dhanka kale ka codsaday inay Dawlad Deegaanka Soomaalida ay kaalinteeda ka qaadato daryeelka iyo hiilka loogu jiro afka Soomaaliga.

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Md, Mustafa Maxamuud Cumar oo isna kulankaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay dadaalka ay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga  ugu jirto daryeelka afka hooyo, waxaana uu balan-qaaday inuu ka mira dhalin doono sidii afka Soomaaliga loogu soo celin lahaa maqaamkii uu lahaan jiray.

Kulankaasi uu Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida  la qaatey  wafdiga ka socday Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga  ayaa ku soo gaba-gaboobay jawi aad u degan.