Toddobaadka dhaqanka Soomaalida oo sannadkiiba hal mar la qabto ayaa 11/5/2024, wuxuu ka furmay magaalada Milano ee dalka Talyaaniga, waxaana munaasabaddii furitaanka toddobaadkaasi ka soo qaybgalay bulshada kala duwan ee jaalliyadda Soomaalida ee magaalada Milano ee dalka Talyaaniga.
Ugu horrayn, waxaa munaasabadaasi hadal isugu jiray soo dhaweyn iyo mahadcelin ka soo jeedisay guddoomiyaha ururka Shukran Soomaaliya ee soo qabanqaabiyay toddobaadkaasi Marwo Nuurta Axmed oo tilmaantay in toddobaadka Soomaalida la qabanayay shantii sano ee la soo dhaafay.
Guddoomiye Nuurta oo hadalkeeda sii wadata ayaa caddaysay in toddobaadka Soomaalida lagu soo bandhigayo dhaqanka, afka iyo taariikhda bulshada Soomaaliyeed, waxayna xustay in toddobadkaas uu noqon doono mid xiiso badan.
Inta uu socdo toddobaadka dhaqanka Soomaalida ayaa waxaa la filayaa in lagu soo bandhigo barnaamijyo kala duwan oo ka kooban filimo laga sameeyay ololihii af Soomaaliga ee 1974, buugaag ka hadlaysa dhinaca dhaqanka, cayaaro la xirriira hiddaha iyo dhaqanka, sidoo kale, waxaa jiri doono barnaamijyo kale oo ku aaddan dhanka suugaanta.















