Xilli kasta marka la gaaro 21-ka Febraayo waxaa adduunka oo dhan laga hadal-hayaa xuska maalinta caalamiga ah ee loo asteeyay afka hooyo, qormadani waxay iftiiminaysaa sida dunidu u qiimayso maalintaas, sidii ay ku dhalatay iyo sababta maalintaas loo doortay.
12-kii biloodba mar ayaa caalamka si baahsan looga dabbaal-degaa xuska Maalinta loogu yaqaano Afka Hooyo, Ujeeddadu waa in la muujiyo qiimaha uu ummad kasta ugu fadhiyo afkooda hooyo, in ay qolo kastaa ilaashato afkeeda hooyo, horumarkiisana ku dadaasho, in la bad-baadiyo afafka halista ku jira iyo in la ixtiraamo af kasta oo aadmigu leeyahay.
Hay’adda UNESCO ee Qarammada Midoobay ayaa kadib markii ay cilmi-baaris ku ogaatey afafka dunida looga hadlo oo gaaraya 7000 in ka badan kala bar in ay ku dabar go’ayaan Konton sanno gudahood haddaan loo gurman, waxay qayladhaan gaarsiisay adduunweynaha, arintaas ayaa sababtay in bishii November 1999-kii Golaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay ku dhawaaqo in ay dunidu 21-ka Febraayo u aqoonsato Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, dal kastana laga xuso.
Go’aankaas waa lagu dhaqmay laga soo bilaabo sannadkii 2000, doorashadii maalintaasi iskama imaanin ee waxay ka dhalatey Arrin xiisa leh oo ka timid warqad uu aqoonyahan reer Bangaaladhesh ah oo lagu magacaabo Sadiiqul Islaam kuna nool Wadanka Kanada uu u qoray Xoghayihii Guud ee Qarammada Midoobay ee xilligaas Mr. Kofi Anan, 9kii Janaayo, 1998.
Sidiiqul Islaam warqaddaas wuxuu Qarammada Midoobay ku boorriyey si loo badbaadiyo afafka dunida in loo asteeyo Maalin Caalami ah, maalintaasna laga dhigo 21-ka Febraayo oo ah maalin taariikh lama illaawaan ah u ah dadkiisa, Soo jeedinta aqoonyahankaas afkiisa u qiirooday iyo aqoonsigii Qarammada Midoobay ee maalintaas ayuu ka soo jeedaa xuska sannad walba loo sameeyo 21-ka Febraayo.
Taariikh-ahaan 21-kii Febraayo waxay ka timid sannadkii 1952dii markii ay ciidanka Dowladdu ku laayeen Magaalada Daka ee Dalka Bangaladesh arday samaynaysay bannaanbax ay ku dalbanayeen in afkooda hooyo oo ah Bengaali, ahna afka aqlabiyadda looga dhigo afka Waxbarashada, halka ay Dawladda oo madaxdoodu ka soo jeedaan dadka ku hadla afka Urduu-ga ay khasab ka dhigayeen Urduugu in uu noqdo afka rasmiga ah, Geesiyaal naftood-hurayaal ah oo u badan dhallinyaro arday u sii badan, halgan ay muddo ugu soo jireen soo dhicinta xaqooda ah in afkooda wax lagu baro ayaa maalintaas gaaray heerkii ugu sarreeyey, halkaas oo lagu diley 9 arday, in ka bandanna lagu dhaawacay.
Innaga Soomaali ahaan, waxaa nasiibdarro ah, inaynaan afkeenna hooyo xil iska saarin, wax dadaal ahna gelin, Waxaase xusid mudan, waxgarad Soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan Naadiga Somali PEN iyo Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, muddo ka badan rubuc-qarni ay soo wadeen qayladhaan Soomaalida lagu baraarujinayo in loo gurmado badbaadinta iyo horumarinta afkeenna hooyo.
Sidaas ayay ahayd sidii gayiga Soomaalida looga bilaabay in sannad kasta 21-ka Febraayo la isugu yimaaddo munaasabado dadka lagu wacyigelinayo qiimaha afkooda iyo gurmadka uu uga baahan yahay, Waxay ka bilaabantay Magaala-madaxda Jabuuti sannadkii 2006, Waxayna ku bilaabantay qayladhaan iyo codsi qoraal iyo afba uu Guddoomiyihii Naadiga Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed (Somali PEN) Dr. Maxamed Daahir Afrax u gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Dr. Maxamed Daahir 12kii Oktoobar 2005tii ayuu Madaxweyne Geelle la kulmay, asagoo uu la socdo Xaashi Cabdillaahi Orrax, Wuxuu u bandhigay qoraal dhawr iyo Toban bog ka kooban (proposal) iyo warqad soo koobaysa oo uu Madaxweynaha, sharraaxaad dheer ka dib uga codsaday in uu amar sharciyaysan ku bixiyo in Jamhuuriyadda Jabuuti sannad kasta laga xuso Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo.
Madaxweyne Geelle, oo ah masuul afkiisa hooyo jecel, had iyo jeerna u heellan hiilka dhaqanka, afka iyo aqoonta, gacmo furan ayuu ku soo dhoweeyey soo jeedintii Guddoomiyaha Somali PEN, wuxuuna soo saaray Xeer Madaxweyne oo amraya in sannad kasta Jabuuti xus mug leh looga sameeyo munaasabaddaas, laguna bilaabo 21-ka Febraayo 2006 oo ahayd tii ugu soo horraysey, Waxaana lagu daahfuray bandhig-dhaqameed lagu magacaabay Toddobaadka Afka Hooyo, laguna martiqaaday maskax-maal Soomaaliyeed oo ka kala yimid daafaha dunida, Sidii ayaa Jabuuti loogu dhaqmaa go’aankaas, sannad kastana laga xusaa munaasabaddaas.
Ka dibna Naadiga PEN ee Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed ayaa wada gaarsiiyey geyiga Soomaalida ee Geeska Afrika, Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxaa laga bilaabay 2007, waxaana hormuud ka ahaa Naadiga Somali PEN ee Koofurta Soomaaliya, Maantana, nasiib-wanaag, way yar tahay Magaalo weyn Soomaaliyeed oo aan laga xusayn munaasabaddan, Inta badanna waxaa hormuud ka ah Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga (AGA).
W/Q. Axmed Maxamuud Dhicisow














