*** Shicibyahow wanaagsani walalayaalow wadankiisa u shaqeeyaa walaalayaalow wadajir bey laba gamcood wax ku qaban karaane, aan is weheshano walaalayaal aan wada jirno walaalayaal ***
Riwaayadihii ugu caansanaa ee Faadumo Nagruuma lagu xasuusto, waxaa ka mid ah:
• Maanta iyo Fadhi aa!, Wed Iyo Wacad. Ama waa lay Dooran ama Daadku i Qaad. Waxaa allifay abwaanka weyn, Alle haw naxariistee, Cismaan Aadan Askari.
• Gashaanqaad Illaah Ma Xilo. Riwaayadda waxaa ellifay, abwaan Cali Diiriye “Cali Gaab”.
• Ciidanka Illaahay ha Ciseeyo. Waxaa wada allifay Meecaad Miigane iyo Dafe.
• Dan Layguma Naco. Waxaa allifay abwaan Cismaan Daroog.
• Aabbahay ka Samree Adiga Awgaa. Waxaa allifay Maxamed Cali Kaariye.
• Hablayahow Hadmaad Guursan Doontaan. Waxaa allifay, abwaan Maxmuud Cismaan Dukaale.
• Wiil iyo Waalid kala war la’. Waxaa allifay abwaan Axmedey Gaashan.
• Qabyo. Waxaa allifay, Maxamuud Cabdullaahi Ciise “Sangub”.
Macallinkeeda Masri ahaa, korneel ahaa baa arkay in ay aad u xafidi ogtahay, darsiguu siiyo. Wuxuu ku yiri: “haddaad jaamacad ka bixi lahayd, sida Kiwaama Nagruuma ayaad shahaadooyin badan qaadan lahayd. Halkaas bay naanaysta Nagruuma ka raacday.