Xaflad ballaaran oo lagu maamuusayay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, ayna si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), Somali Pen iyo Meertada Afka iyo Suugaanta Soomaalida ayaa 22/2/2020, waxaa lagu qabtay magaalada Minnesota ee dalka Maraykanka.
Macallin Saciid Saalax Axmed oo furitaankii xafladdaasi ka hadlay ayaa si qoto dheer uga warbixiyay sida uu ku yimid xuska 21 Febraayo ee sannad kasta looga dabaal dego caalamka, waxaana iftiimiyay in xuskaasi uu ka soo jeedo arday loo dilay ilaalinta xuquuqda afkooda hooyo, isaga oo caddeeyay Qaramada Midoobay sannadkii 1999-kii in ay go’aamisay in sannad walba la xuso 21 Febraayo maalinta afka hooyo.
“Xuska afka hooyo, waxa uu sannadkaan ka dhacayaa magaalooyin badan oo Soomaaliya iyo caalamka ku kala yaallo, waxaana xusaskaasi wada hogaaminaya Akadeemiye-Goboleedk AfSoomaaliga iyo Somali Pen oo mataaneysan, Aniga oo ka faa’iidaysanaysa fursadaan ayaa waxaa jeclaan lahaa waalidiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan halkaan, inaan kula dar-daarmo inuu qof walba uu hiil u noqdo afkeena hooyo, isla markaana aan ubadkeena ku barbaarino af Soomaaliga ” ayuu yiri Macallin Saciid Saalax oo sheegay halku-dhigga ay sannadkaan qaateen in uu yahay ‘Ambaqaadka Taariikhdaada waa Afkaaga Soomaaliga”.
Sidoo kale, waxaa munaasabaddaasi ka hadlay Macallin Maxamed Axmed Aare {Keyd}, Eng. Cabdi-kariin Maxamuud Suleymaan (Cabdi Dheere), Cadar Axmed Kaahin iyo masuulyiin kale, kuwaasi oo sheegya in loo baahan yahay in caruurta lagu dhiiri-galiyo barashada afka Soomaaliga, iyaga oo nasiib-darro ku tilmaamay in Soomaalida qaarkood ay ku hadlaan afaf shisheeye, iyaga oo ka faanayo afkooda hooyo.
Munaasabaddaasi ayaa intii ay socotay waxaa lagu daawadey flim ay jilayeen ardayda Jaamacadda Minnesota oo ka hadlayay qiimaha ay leedahay barashada farta Soomaaliga, sidoo kale waxaa isla xafladaasi lagu soo bandhiggay suugaan ay tirinayeen qaar ka mid ah abwaannada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Minnesota ee wadanka Maraykanka.
Sannad walba ayaa xilligaan oo kale, waxaa magaalada Minnesota laga qabtaa xuska maalinta caalamiga ah ee afka hooyo, magaaladaasi ayaa 16-kii sanno ee ugu dambaysay waxaa sannad walba lagu dhigayay xuskaasi.