Dood cilmiyeed ku saabsanaa “Maxaa hortaagan in goobaha ganacsiga lagu qoro far Soomaali”, uuna soo qabanqaabiyay naadiga Somali Pen, laantiisa koonfurta Soomaaliya ayaa 14/12/024, waxaa uu ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dood cilmiyeedkaasi ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha AGA Cabadlla Mansuur, guddoomiyaha Dhaxalreeb Baafo iyo mas’uuliyiin kale, kuwaasi oo soo jeediyay tallooyin ku aaddan sida loo xoojin karo qoraalka farta Soomaaliga.

Gunaanadkii dood cilmiyeedkaasi ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah madaxda Somali Pen oo u mahadnaqay xeeldheerayaashii ka hadlay dood cilmiyeedkaasi, isla markaana soo jeediyay mawduucyadii kala duwanaa oo ay ku kala qornaayeen.