Naadiga qalinleyda iyo hal-abuurka Soomaaliyeed (Somali Pen) laantiisa Muqdisho ayaa dadaal ballaaran ugu jirta qabashada muxaadarro uu hal ku dhiggeedu yahay: “Aqoonyahanka iyo Kaalintiisa Bulshada”.
Muxaadarradaas oo aad u qiima badan ayaa waxaa soo jeedin doono Bare sare Mustafa C/llaahi Feyruus oo ah Guddoomiye Ku-xigeenka koowad ee naadiga qalinleyda iyo hal-abuurka Soomaaliyeed (Somali Pen).
Muxaadaradaas oo dhici doonto 17/12/2020, ayaa waxaa lagu qaban doonaa xarunta jaamacadda Green Hope ee magaalada Muqdisho.















