Shirweynihii seddexaad ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga, ayna ka soo qaybgaleen xubno ay ka mid yihiin: guddiga fulinta ee AGA, wakiillada laamaha Akademiyada, xeeldheerayaasha Akademiya Goboleedka iyo aqoonyahanno ka tirsan hawlwadeennada Akademiyada, ayaa maanta oo beegan 2/11/2024, wuxuu si rasmi ah uga furmay waddanka Jabuuti,

Munaasabaddii furitaanka shirweynahaasi, waxaa ugu horreyntii ka hadlay guddoomiyaha Akademiyada Barasare Cabdalla Cumar Mansuur, oo si qotodheer uga hadlay taariikhda Akademiyada iyo qorshaha haatan u degsan Akademiya Goboleedka, wuxuuna iftiimyay dadaalka ay Akademiyadu ugu jirto hiilka iyo horumarinta af Soomaaliga, isagoo u mahadnaqay dawladda Jabuuti oo shirweynahaas martigalisay.

Sidoo kale, waxaa munaasabadaasi ka hadlay guddoomiyaha jaamacadda Jabuuti Dr. Jaamac Maxamed Xasan oo sheegay  magaalada Jabuuti inuu ku soo dhaweynayo dhammaan wafdiga AGA, wuxuuna xusay salaan kalgacaltooyo inuu uga sido Madaxweynaha Jabauuti Md, Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo dhanka kale caddeeyay in Akademiya Goboleedka iyo jaamacadda Jabuuti uu ka dhaxeeyo, xiriir ku dhisan iskaashi iyo wax wadaqabsi.

Ugu dambayntii, waxaa munaasabadaasi ka hadlay Lataliyaha Madaxweynaha Jabuuti Ambassador Aadan Xasan Aadan (Belolo) oo sheegay qoristii af Soomaaliga inay badbaado u aheyd ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna hoosta ka xarriiqay dawladda Jabuuti inuu gaarsiin doono culaysyada haysta Akademiyada, isagoo dhanka kale ugu baaqay dawladaha ku bahoobay Akademiyada AGA, in dawlad walba ay bixiso qoondada kaga soo hagaagto miisaaniyadda Akademiya goboleedka,

Munaasabaddii furitaanka kaddib, waxaa halkaasi ka bilowday fadhi cilmiyeedyo looga hadlay adeegsiga af Soomaaliga, cilmibaarista qaamuuska, ereybixinta, naxwaha iyo teknoolajiyada, iyadoo mowduucyo kala duwan oo arrimahaasi ku saabsan ay halkaasi ku soo bandhigeen xeeldheerayaal ka tirsan Akademiya Goboleedka AGA.