Shirweynihii 3-aad ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga  (AGA), ayna ka soo qaybgalayaan xubnaha golaha guud ee Akademiyada, oo ka kooban guddiga fulinta, wakiillada AGA iyo xeeldheerayaasha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga, ayaa la filayaa inuu ka dhaco waddanka Jabuuti.

Shirweynahaasi ayaa socondoono inta u dhaxaysa 2-3/11/2024, waxaana looga hadli doonaa qodobbo ay ka mid yihiin: jihaynta Akademiyada, soo bandhigidda waxqabadkii Akademiyada iyo qorshe hawleedyada AGA, dib u eegista xeerka, soo gudbinta miisaaniyadda iyo qodobbo kale.

Sidoo kale, shirweynahaasi waxaa qayb ka ah fadhi cilmiyeedyo looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin: cilmibaarista qaamuuska, ereybixinta, naxwaha iyo tiknoloojiyada, adeegsiga af Soomaaliga iyo cilmibaarista suugaanta iyo culuunteeda.

Shirweynahaan ayaa noqonayo midkii 3-aad ee Akademiyadu yeelato, waxaana horey loo sooqabtay shirweynayaashii koowaad iyo kii labaad oo ka kala dhacay dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya.

U HIILLI AFKAAGA HOOYO