Kulan ay  isugu yimaadeen xubnaha ka tirsan Goosanka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga AGA  ee fadhigoodu uu yahay Magaalada Muqdisho,  loogana hadlayay sidii loo dar-dar galin lahaa hawlaha horyaalo Akadeemiyadaasi ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Shirkaasi oo uu Shir gudoominayay Gudoomiyaha AGA Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa si balaaran waxaa looga hadlay arimihii u qabsoomay bilihii la soo dhaafay goosanka AGA  ee Muqdisho iyo shaqooyinka hor yaalo, waxaana kulankaasi lagu soo bandhigay sida loogu guuleystay shaqooyinkii u qorsheysnaa Akadeemiyada iyo sida loogu  diyaar garoobay  in laga miro dhaliyo  hawlaha sugayo AGA .

Hadal uu halkaasi ka soo jeediyay Gudoomiye  Prof. Afrax ayaa sheegay inay Akadeemiyadu samaysay waxqabad la arki  karo, waxaana uu xubnaha AGA  ku guubaabiyay inay si dar-dar galiyaan hawlaha hor yaalo, isagoo soo jeediyay in xil gaar ah la iska saaro sidii looga dhabeyn lahaa masuuliyada Akadeemiyada ka saaran daryeelka, illaalinta iyo nooleynta afka Soomaaliga.

Qaar  kamid ah hawl wadeenka AGA  ee Magaalada Muqdisho ayaa iyaguna halkaasi ka soo jeediyay fekrado iyo tallooyin ku saabsan sida horey loogu sii dhigi karo  shaqooyinka hor yaalo Akademiyadaasi.

Kulankaasi ayaa qeyb ka ahaa kulamadii caadiga ahaa ee Goosanka Muqdisho uu  mar walba yeelan jirey.