Naadiga akhrisqoraalka ee Garaadkobac ayaa 8/8/2024,  wuxuu Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA)  guddoonsiiyay shahaado sharaf mahadnaq ah. Tasoo ay Akademiyadu ku mutaysatay garab istaagga naadiga, ee ku aaddan dhinacyada wadashaqaynta iyo tababbarsiinta dhallinyarada naadiga.

Munaasabaddii lagu maamuusayay bixinta shahaado sharaftaasi, oo ka dhacday Java ee magaalada Muqdisho ayaa Akademiya Goboleedka, waxaa shahaadadaasi u guddoomay xoghayaha cilmibaarista AGA Maxamed Xasan Cabadullaahi (Geelle), waxaana guddoonsiiyay guddoomiyihii naadiga Saabir Cabdi Yuusuf.

Dhanka kale, doodcilmiyeed uu soo qabanqaabiyay isla naadiga Garaadkobac oo qayb ka aheyd waxqabadka sannadkiiba uu mar soo bandhiggo naadigaasi, ayaa isla taariikhda kor ku xusan, waxaa lagu qabtay  xarunta Java.

Doodaas oo lagaga hadlayay “Doorka isxilqaanka iyo kaalintooda horumarinta arrimha bulshada” ayaa waxaa ka qaybgalay xoghayaha cilmibaarista Akademiya Goboleedka (AGA) Maxamed Xasan Cabdullaahi (Geelle), guddoomiyaha Xus oo Xaaqo Cabdiwahaab Suudi Nageeye  iyo guddoomiyaha Maamo Ugaaso Foundation Siraad Maxamed Nuur, kuwaasoo si qoto dheer u soo bandhigay faa’iidooyinka uu bulshada u leeyahay isxilqaanku.

Aqoonyahannadaasi ayaa caddeeyay isxilqaanku inuu yahay hawl laysu dhiibay, oo dan la mooday; haddii la qaban waayana ay ceebi ka imanayso, iyagoo intaasi ku darey in ereyga isxilqaan inuu yahay danguud, oo uu ruux ama koox dadka ka mid ahi ay isu idmaan iyagoo u xilanaya inay badbaadiyaan baylahda bulshada ka dayacan.

“Doorka isxilqaannada iyo kaalintooda horumarinta arrimaha bulshada waa mid muhiim ah, waxaana loo kala qaybiyaa  ilaa saddex jiho oo waaweyn: mid maamulka dawladda ayuu u soo bandhigaa arrimaha bulshada ee muhiimka ah, mid kale, wuxuu ka shaqeeya baahiyaha bulshada, sida: nadaafadda, dhiraynta iyo wacyigelinta bulshada, halka midka 3-aadna uu si mutadawacnimo ah uga qaybqaata hannaanka dawladda sida shirarka, la-talinta iyo hannaanka siyaasadaha.” ayay yuraahdeen aqoonyahannadaas.

Doodaasi oo aad u xiiso badneyd ayaa ku soo gabaggabowday jawi aad u wanaagsan.