Wasiirkii hore ee Warfaafinta Senator Cismaan Abuukar Dubbe ayaa maanta oo ku beegan 17/1/2024, wuxuu deeq buugaag ah soo gaarsiiyay maktabadda Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA).

Guddoomiyaha AGA Baresare Cabdalla Cumar Mansuur ayaa Senatorka ka guddoomay deeqdaas, wuxuuna caddeeyay inuu Senatorku ugu mahadnaqayo deeqda buugaagta ah ee soo gaarsiiyay Akademiya Goboleedka AGA.

Senator Dubbe oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay buugaagta uu keenay xarunta AGA, isagoo ballanqaaday inuu noqon doono saaxiibka ugu dhaw ee Akademiyada.

Buugaagta uu Senatorka ku wareejiyay AGA ayaa aheyd buugga Mangalool oo uu Senatorku qorey, iyadoo deeqdaasi ay noqonaysa middii ugu ballaarneyd ee maktabadda la keeno, marka laga reebo walaalaha reer Jabuuti.