Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Md, Saalax Axmed Jaamac ayaa 24/5/2023, waxa golaha murtida iyo wacyigalinta (National Theatre) uu si rasmi ah uga furay bandhiggii Buugaagta Muqdisho.
Bandhiggan oo socon doono muddo seddex maalmood ah ayaa noqonayo midkii 7-aad oo ay martigaliso magaalada Muqdisho, waxaana furitaankiisii ka soo qaybgalay Wasiirro, Xildhibaanno, aqoonyahanno, akhristayaal, macallimiin iyo qorayaal ka kala yimid guud ahaan dalalka caalamka iyo gobollada dalka Soomaaliya.
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabddii furitaanka bandhigaasi ayaa iftiimiyay muhiimadda akhriska iyo qoraalku ay u leeyihiin dalalka soo koraya, isaga oo sheegay in jidka kaliya ee horumar lagu gaari karo uu yahay aqoonta iyo akhriska.
Md, Saalax ayaa tilmaamay in xukuumadda Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siinayso dhiirrigelinta akhriska iyo qoraalka, waxuuna si wayn ugu mahadceliyay mas’uuliyiinta iyo qaban-qaabiyaasha bandhiggaas.
Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ka hor, waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirro, Xildhibanano iyo maamulka bandhigga buugaagta Muqdisho oo ka sheekeeyay heerarkii uu soo marey bandhigaasi iyo barnaamijyada la qaban doono maalmaha uu socdo bandhigga buugaagta Muqdisho.















