Xaflad lagu maamuusayay bandhigga dhiganaha la yiraahdo Fursadda Waddaniga ayna ka soo qeyb galeen madax ka tirsan Golaha Baarlamaanka iyo masuuliyiin ka socotay bahda ururada bulshada ayaa lagu qabtay hoolka Jaamacadda Ummadda ee magaalada Muqdisho.

Qoraaga dhiganaha Fursadda Waddaniga Najma Maxamuud Sh. Cumar  {Najma Qaran Bila} oo ka hadlaysay munaasabaddaas  ayaa si faah-faahsan uga hadashay macluumaadka uu xambaarsan yahay dhiganahaasi,  arimaha ku dhalliyay inay qorto iyo faa’iidooyinka uu bulshada Soomaaliyeed u leeyahay dhiganahaasi, iyada oo dhinaca kale sheegtay inay si mug leh ugu mahad celinayso Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA)  oo ay tilmaamtay la’aanta Akdeemiyadaasi inaanu soo bixi laheyn dhiganahaasi.

Najma Qaran Bila oo hadalkeeda sii wata ayaa carrabka ku dhufatay Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax inay uga mahad naqayso tababbarkii uu siiyay ee ku aadanaa Qoraal Curinta Toolmoon, kaasi oo ay caddeysay inuu wax badan ka saaciday  hab qoraalka dhiganaha Fursadda Waddaniga, iyadoo intaasi ku dartay inay bogaadinayso Prof. Mustafa C/llaahi Feyruus iyo Seynab Xaaji Axmed (Ugbaad) oo iyaguna Tifaf-tiray dhiganahaasi

Dhiganaha Fursadda Waddaniga ayaa ah dhigane si buuxda uga sheekaynayo  Waddaniyaddu waxa ay tahay, doorka uu waddanigu ku leeyhay horumarinta dalkiisa, fursaddaha u bannaan waddaniga iyo macluumaad kale oo aad u xiiso badan.