Bandhig suugaaneedkii caalamiga ahaa ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo intii u dhaxaysay 17-19 bishan ka socday  magaalada Jigjiga ayaa waxaa  lagu soo gaba-gabeeyay hoolka shirarka ee Sayid Maxamed oo ku yaalo xarunta Dawlad-Deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Bandhiggaas oo si qoto dheer  looga hadlay taarikhdii uu lahaa  Sayid Maxamed Cabdille Xasan ayaa ahaa midkii ugu horeeyay ee noociisa oo kale ah oo la qabto, waxaana ka  soo qayb galay  abwaanno, qorayaal, oday dhaqameedyo, siyaasiyiin iyo dad kale oo caan ah, kuwaasi oo ka kala yimid dhulalka ay Soomaalida degto.

Seddexdii maalmood ee uu socday bandhiggaasi oo aad loo jecleystay ayaa gaba-gabadiisa waxaa laga soo saaray  War-Murtiyeed ka kooban dhawr  qodobo oo muhiim ah,  waxaana ka mid ahaa:-

1- In la dhiiri-galiyo cilmi baarista ku saasban suugaanta Soomaaliyeed, gaar ahaan middii Daraawiishta ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan.

2-In la joogteeyo bandhigyada noocan oo kale ee afka iyo suugaanta kor loogu qaadayo, isla markaana la qabto sannadkiiba hal mar  ama labadii  sannaba  mar, si bulshada Soomaaliyeed xiriirkeeda u sii noolaado.

3-In la illaaliyo dadkii taariikhda ku lahaa gayiga Soomaalida  haddii ay ahaan lahaayeen Abwaan  ama  Halgamaa.

4-In la iska xil saaro xasuusinta taariikhda Sayid Maxamed Cabdille Xasan.

5- In 100 sanno-guurada geeridii Sayidka oo ku  beegan  2020, xilligaas haddii la gaaro waa  in meel walba oo ay Soomaalida degto lagu qabto xussas balaarran oo lagu weyneynayo taariikhdii & waxqabadkii Sayid Maxamed Cabdille Xasan.

Munaasabaddii xeritaanka bandhiggaasi ayaa goob joog  waxaa ka ahaa madax ka socotay Dawlad-Deegaanka Soomaalida Ethiopia, masuuliyiinta  Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) iyo marti sharaf kale oo aad u badan.