Maktabadda Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ayaa shalay oo ku beegneyd 4/9/2024, waxaa loogu deeqay qaamuus aad u qiimo badan, oo la magacbaxay “Jiiddu Dictionary to Somali Standard & English”.

Deeqdan, oo ka koobnayd dhawr buug oo qaamuusyo ah, ayaa Akademiyada AGA waxaa soo gaarsiiyay Ra’iisulwasaare kuxigeen hore, ahna Xildhibaan ka tirsan Baaralmaanaka Federaalka Soomaaliya Prof. Saalim Caliyow Ibrow iyo Suldaan Warsame Suldaan Ibraahim Suldaan Caliyow Suldaan Ibrow.

Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af  Soomaaliga (AGA) Barasare Cabdalla Cumar Mansuur, oo deeqdaas ka guddoomay Prof. Saalim iyo Suldaan Warsame, ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo deeqdaas loogu talaggalay maktabadda AGA, isagoo halkaas uga mahadnaqay aqoonyahannada qoray qaamuuskaas cusub, oo lahjadda Jiiddada ku fasiraya afafka Soomaaliga Guud iyo Englishka.

Prof. Saalim Caliyow, oo ka mid ah qorayaasha qaamuuskaas iyo Suldaan Warsame oo iyaguna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin inay qaamuuskaas soo gaarsiiyaan makatabadda AGA, iyagoo dhanka kale xusay inay Akademiya Goboleedka AGA ku bogaadinayaan dadaalka ay ugu jirto horumarinta af Soomaaliga iyo ilaalinta lahjadaha uu af Soomaaliga ka kooban yahay.

Horey ayaa maktabadda AGA, waxaa loogu deeqay buugaag, qaamuusyo iyo kitaabbo badan, kuwaasoo ay ugu deeqeen dawlado iyo shaqsiyaad kala duwan.