Guddoomiyaha KMG ah ee qabanqaabada shirweynaha AGA iyo xuska Konton guurada qoraalka farta Soomaaliga Prof. Cabdalla Cumar Mansuur ayaa maanta oo ku beegan 22/11/2022, waxa uu ka qeybgalay xaflad lagu maamuusay sagootinta dufcaddii 9-aad ee ka qalin jabisa jaamacadda Jazeera, taasi oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Prof. Mansuur oo hadal kooban ka soo jeediyay munaasbadaasi ayaa ugu hambalyeeyay ardaydii ka qalin badalatay jaamacadaasi guusha ay ka soo hoyeen waxbarashadooda, waxaana uu si faahfaahsan uga hadlay qiimaha ay leedahay waxbarashada, isaga oo ardaydaasi ku guubaabiyay in ay halkooda ka sii wadaan waxbarashadooda.

Mar uu ka hadlayay Prof. Cabadalla, muhiimada uu leeyahay afka Soomaaliga ayaa sheegay in ummad walba uu qiimaheeda ku xirran yahay hadba sida ay u dhawrto afkeeda hooyo, isaga oo caddeeyay afku in uu yahay aqoonsiga ay ummad walba leedahay.

Sidoo kale, munaasabadaasi waxaa ka hadlay mas’uuliyiin ka kala socotay wasaaradda waxbarashada, ururada bulshada iyo madaxda jaamacadda Jazeera, kuwaasi oo hadalladoodu ay u badnaayeen hambalyada iyo dhiirrigalinta ardaydaasi dhammaysay heerka koowaad ee waxbarashadooda.