Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada konton guurada af Soomaaliga iyo qabashada shirweynaha Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Prof. Cabdalla Cumar Mansuur ayaa xalay oo ku beegneyd 20/10/2022, waxa uu ka qeybgalay daahfurka buugga Dhoodaan ee Murugo iyo Masa’ oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabaddii Bandhigga buugaas oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirro, Xildhibaanno, Senetarro, qorayaal caan ah, dhallinyarada jecel akhriska iyo qoraalka, abawaanno iyo marti sharaf aad u badan oo lagu casuumay daahfurka buugaasi taariikhiga ah.

Prof. Cabdalla Cumar Mansuur oo ka mid ahaa xeeldheerayaashii lagu martiqaaday bandhigaasi ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay ka soo qeybgalkiisa bandhigga buugga Dhoodaan, waxaana uu iftiimiyay sida loogu baahan yahay in loo dhiirrigaliyo qorayaasha Soomaaliyeed, isaga oo dhanka kale bulshada Soomaaliyeed ku guubaabiyay inuu qof walba ka qeybqaato hiilka afka hooyo iyo hal-abuurkiisa.

Sidoo kale, xafladaasi waxaa ka hadlay Wasiirka Waxbarashada Faarax Shiikh C/qaadir, Xildhibanano iyo masuuliyiin kale, kuwaasi oo sheegay in buugga Dhoodaan uu yahay dhaxal ummadeed oo qiimo badan, iyaga oo halkaas uga mahadnaqay qoraha buugaasi.

 Bandhigga buugaan ayaa horey, waxaa loogu soo baalfurey magaalada Hargaysa ee Somaliland.