Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy guud ahaan bahda fanka iyo suugaanta, gaar ahaan eheladii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Abwaan Ibraahim Ismaaciil Sugulle “Sooraan” oo 26/5/2021 ku geeriyootay magaalada Burco ee gobolka Togdheer!

Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa sheegay in Marxuum Sooraan uu kaalin muuqata ka soo qaatey kor u qaadida fanka iyo wacyigilinta bulshada, iyada oo uu xusay in abwaanku uu ka mid ahaa tiirarkii  safka hore kaga jirey xoojinta dhaqanka, afka iyo hal-abuurka.

“Geerida fannaan Sooraan waa tiir kaloo ka baxay bahda fanka iyo suugaanta,  siiba fanka jilitaanka” ayuu yiri Dr. Afrax oo wax laga naxo ku tilmaamay in xiddigihii majaajilada Soomaaliyeed in ay sii gurmayaan.

Guddoomiyaha AGA ayaa hoosta ka xariiqay in geerida abwaankaas ay wada taabatay ummadda oo dhan, waxaana uu Alle uga baryay inuu Jannadiisa ka waraabiyo, qoyskii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.