Home Wararka AGA Nuqullo ka mid ah Buugga Sooyaalka Qowmiyadda Soomaalida oo loogu Deeqay... Wararka AGA Nuqullo ka mid ah Buugga Sooyaalka Qowmiyadda Soomaalida oo loogu Deeqay Maktabadda AGA July 8, 2026 Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Maktabadda Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ah goob cilmiyeed loogu talaggalay kobcinta akhriska, aqoonfaafinta, dhiirrigalinta qorayaasha iyo turxaanbixinta adeegsiga habdhigaalka af Soomaaliga ayaa loogu deeqay nuqullo ka mid ah buugga Sooyaalka Qowmiyadda Soomaalida oo 6/7/2026, lagu soo bandhigay masraxa Shariif Saalax ee jaamacadda ummadda Soomaaliyeed. Guddoomiyaha jaamacadda Jobkey Prof. Cabdicasiis Caagane Cabdisamad iyo aqoonyahan Dr. Shuceyb Cabdiraxmaan Cabdulle oo ku hadlayay magaca qalinjabiyaasha ardayda dugsiga Axmed Gurey ayaa in ku dhaw (30) nuqul oo kamid ah buugga Sooyaalka Qowmiyadda Soomaalida ugu deeqay Maktabadda Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga. Agaasimaha waxbarashada Akademiyada iyo maamulka maktabadda AGA C/qaadir Cabdi Axmed (Jubba) iyo Maxamedwali Shiikh Cabdirashiid oo goobjoog ka ahaa munaasabadii lagu wareejinayay nuqullada buugaasi ayaa u mahadnaqay aqoonyahannada buugaagta ugu deeqday maktabadda Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga. MAQAALLO LA XIDHIIDHADHEERAAD AH OO KA SOO QORAAGA Wasiiradda Dhaqanka Dawladda Jabuuti oo Kulan Gaar ah la Yeelatay Guddoomiyaha Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA Akhris Wadareedka AGA Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Akhris-qoraalka oo lagu qabtay Muqdisho Xulka Maqaallada Sooyaalkii Nololeed ee Dr. Maxamed Daahir Afrax October 10, 2026 Doodda Qabyannimada Farta Af Soomaaliga (Shaqallada & Shibbanayaasha) May 12, 2026 FALANQEYNTA KULALIHI (W/D PROF. CABDULQAADIR RUUMI) November 5, 2025 Dagaalkii Qaboobaa ee Qalinka! October 28, 2025 Hayaan iyo Hugun October 25, 2025 Maqal iyo Muqaal Daawo: Hadaljeedintii Wasiirka Waxbarshada XFS Faarax C/qaadir uu ka Jeediyay Xuskii... September 8, 2026 Daawo: Hadaljeedintii Safiirka Dawladda Jabuuti ee Soomaaliya uu ka Jeediyay Xuskii... September 8, 2026 Daawo: Hadaljeedintii Guddoomiyaha AGA uu ka Jeediyay Xuskii Maalinta Caalamiga ah... September 8, 2026 Daawo: Muuqaal ku Saabsan Kormeerkii Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya uu ku... August 19, 2026 Daawo: Dajiraha Jabuuti ee Soomaaliya oo Caddeeyay Shaqooyin Badan inay ka... August 17, 2026