Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA)  ayaa guddoonsiisay naadiyada  Akhriska iyo Qoraalka nuqulo ka mid ah  buugga Haldoor ee ka  hadlayo taariikh nololeedka iyo dhaxal cilmiyeedkii Guddoomiyihii Guddigii qoraalka farta Soomaaliyeed Danjire Shariif Saalax Maxamed Cali.

Barre sare Mustafa C/llaahi Feyruuus oo ka mid ah madaxda Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo hadal kooban ka soo jeediyay munaasabaddii buuggaasi lagu bixinayay  ayaa sheegay inay Aga ku faraxsan tahay inay naadiyadda Hillin-hayaan, Banaadir & Xamar ay  ku wareejiso nuqulo ka mid ah buugga Haldoor, isagoo dhinaca  kale ka sheekeeyay qiimaha  uu leeyahay buuggaasi.

Guddoomiyaasha naadiyadda Hillin-hayaan iyo Banaadir Al-ustaad C/qaadir Jubba iyo Md, Qadar Cabdi C/llaahi oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa  caddeeyay inay soo dhaweynayaan buuggaasi la guddoonsiiyay, iyagoo Akadeemiyada  uga mahad-naqay sida ay isaga xil saartay soo saarista buuggaasi.

Munaasabadii bixinta buuggaasi waxaa goob joog ka ahaa madaxa Tababbarada Akadeemiyada Al-ustaad C/llaahi Shiikh Cabdi Aadan (Gacanka), madaxa Teknaloojiyada Caaqil Axmed Faarax iyo Xoghaynta Guud ee Aga Seynab Xaaji Axmed (Ugbaad).

Buugga Haldoor ayaa qeyb waxa uu ka yahay Taxanaha Darsida Afka iyo Suugaanta Soomaalida, waana buuggii labaad oo ay soo saarto Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga.