Xubnaha naadiga qalinleyda iyo hal-abuurka ee Somali pen, laantiisa Muqdisho ayaa 16/5/2024, wuxuu kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ee magaalada Muqdisho.

 Kulankaas oo looga hadlayay dardargelinta howlaha naadiga iyo shaqooyinka horyaalla Somali Pen ayaa waxaa laga soo jeediyay hadallo u badnaa sidii xubin walba ay uga soo dhalaali laheyd hawsha ay u xilsaaran tahay.

Gunaanadkii kulankaasi ayaa waxaa lagu ballamay sidii la isaga kaashan lahaa dardargalinta hawlaha naadigaasi iyo sidii ay Somali Pen wax ula qeybsan laheyd naadiyada kale ee caalamka ka jira.