Naadiga qalinleyda iyo hal-abuurka Somaaliyeed (Pen) ayaa lagu wadaa 22/3//2021 in uu daahfur aad u ballaaran uu ugu sameeyo magaalada Jabuuti buugga cusub ee Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ku qoran afka Carabiga.
Munaasabadda bandhigga buugaasi ayaa la filayaa in ay ka soo qeyb-galaan madax ka kala socota Wasaaradda Dhaqanka Jabuuti, masuulyiin matalaysa Somali Pen iyo AGA, aqoonyahanno, qorayaal, abwaanno, ehelada afka, dhaqanka iyo hal-abuurka, dhallinyarada jecel akhriska iyo qoraalka, bahda jaamacadaha iyo marti sharaf kale.
Qoraha buugga Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa munaasabadda daahfurka ka soo jeedin doono macluumaad ku saabsan buugga iyo sababihii ku dhaliyay qoraalkiisa, isaga oo ka qeyb-galayaasha la wadaagi doona faa’iidada laga dhaxlo akhriska buugaagta.
Buuggan oo ah buug-cilmiyeed ku saabsan dhaqanka, afka iyo hal-abuurka fan iyo suugaaneed ee dalalka dariska ah ee Soomaaliya, Jabuuti iyo Yaman, waxaa ku far-yaraystay oo Af-Carabi ku qoray qoraaga weyn Dr. Maxamed Daahir Afrax, waxaana uu noqon doonaa mid waxtar cusub ku soo kordhiyo aqoonta, dhaqanka, hal-abuurka iyo suugaanta dalalka dhaca Khooriga Cadmeed.
Horey ayaa buugaani loogu soo bandhiggay magaalooyinka Muqdisho iyo Garowe.