Naadiga akhristayaasha Xamar ayaa 28/06/2019 waxa uu muxaadaro cinwaankeedu ahaa “Qor oo Akhri” uu ku qabtay hoolka Jaamacadda Soomaaliya, qeybteeda Degmada Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho.

Muxaadaradaasi oo aad u qiimo badneyd ayaa waxaa dhagaysigeeda ka soo qeyb-galay masuulyiinta, hawl-wadeenka iyo xubnaha Naadiga akhristayaasha Xamar, dhallinyaro ka socotay bahda jecel akhriska, qoraalka, suugaanta iyo hal-abuurka iyo marti sharaf aad u badan.

Sheekh Cabdul-xayi Aadan Sh. Xasan oo ahaa soo jeediyihii muxaadaradaasi ayaa si cilmiyaysan uga hadlay sida ay Diinteenna innoogu baraarujisay muhiimadda ay leeyihiin Akhriska iyo Qoraalka, waxaana uu ku dheeraaday ka sheekaynta faa’iidooyinka laga dhaxlo, isaga oo dhinaca kale caddeeyay Akhriska iyo Qoraalku inay ka qeyb-qaataan horumarinta afka Soomaaliga.

Guddoomiyaha Naadiga akhristayaasha Xamar Bashiir Balcad oo gaba-gabadii muxaaradaasi ka hadlay ayaa u mahad-celiyay Shiikhii soo jeedinayay muxaaradaasi, sidoo kale waxa uu bogaadiyay dhamaan xubnaha Naadiga Xamar ee isu xilsaaray qabsoomida muxaadaradaasi, isaga oo dhinaca kale dhallinyarada kula dar-daarmay inay badiyaan Akhriska iyo Qoraalka.

Qaar ka mid ah dhallinyaradii ka qeyb-gashay muxaadaradaasi ayaa sheegay inay wax badan ka korarsadeen muxaaradaasi, iyaga oo codsaday in la joogteeyo barnaamijyada noocaas oo kale ah.