Xaflad lagu maamuusayay soo bandhiggidda wax-qabadkii sannadlaha ahaa ee Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Banaadir, ayna ka soo qeyb-galeen madax kala duwan ayaa 27/2/2020 waxaa lagu qabtay xarunta Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Banaadir Khadar Cabdi C/llaahi {Deeqsi} oo furitaankii xafladdaasi ka hadlay ayaa sheegay in sannadkii 2019 uu naadiga Banaadir u ahaa sannad wanaagsan, waxaana uu xusay wax-qabadkii naadigaasi inay ka mid aheyd yagleelida Maktabadda Guud ee naadiga Banaadir, isaga oo dhinaca kale u mahad-celiyay cid kasta oo gacan ka gaysatay socodsiinta hawlaha naadigaasi.
Gudddoomiyaha Golaha Abwaannada Soomaaliyeed Xirsi Dhuux Maxamed, Prof. Mustafa C/llahi Feyruus oo ka tirsan madaxda sare ee Akademiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), Agaasimaha horumarinta afka Soomaaliga ee Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta Barre Sheikh C/llaahi (Bangaladesh) & Agaasimaha Idaacadda Kulmiye Burhaan Diini Faarax oo munaasabaddaasi ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan bandhigga wax-qabadka 2019 ee naadiga Banaadir, iyaga oo u rajeeyay naadigaasi horumar ka badan midkii sannadkii hore.
Munaasabaddii Xafladdaas oo sannadkaan ka duwnaeyd xafladihii hore ayaa waxaa qeyb ka ahaa “Dood Cilmiyeed” ku saabsaneyd Kobcinta Afka iyo Hal-abuurkiisa, Dooddaas oo aad u xiisa badneyd ayaa waxaa ka qeyb-qaatey aqoonyahanno ku xeel dheer afka Soomaaliga, kuwaasi oo kala ahaa:- Bare Sare Mustafe Fayruus, Abwaan Barre Bangaladeesh, Qoraa Anwar Mayoow iyo Prof. Xasan Shiikh.
Gaba-gabadii xafladdaasi ayaa naadiga Banaadir waxa uu ku baxiyay Shahaadooyin iyo Abaal-marino kala duwan oo uu naadigaasi u gartay Hay’addo iyo shaqsiyaad gaar ah, kuwaasi oo naadiga Banaadir gacan ku siiyay gudashada hawlahiisa.
Sannad walba horaantiisa ayaa naadiga Banaadir waxa uu mar walba soo bandhiggaa waxqabadkii naadigaasi, sannadkaan ayaa noqonayo sannadkii Seddexaad ee uu naadigaasi sameeyo dhacdadaan oo kale.














