Naadiga akhristayaasha iyo qoraalka Banaadir oo ka mid ah naadiyada ugu fir-fircoon ee ka jira wadanka Soomaaliya ayaa Shahaado Sharaf uu heerkeedu aad u sarreeyo waxa uu guddoonsiiyay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Aga.
Munaasabad aad u ballaaran oo lagu maamuusayay waxqabadkii Naadiga Banaadir ee sannadkii 2018 ayaa shahaado sharaftaas lagu siiyay Akademiye-Gobooleedka AfSoomaaliga , waxaana guddoonsiiyay Guddoomiyaha Naadigaas Md, Khadar Cabdi C/llaahi, waxaana shahaadadaas Akadeemiye-Goboleedka u guddoontay Xoghaynta Guud ee Aga Seynab Xaaji Axmed “Ugbaad”
Hadal kooban oo uu halkaasi ka soo jeediyay Guddoomiye Khadar Cabdi C/llaahi ayaa sheegay inay Aga shahaadadaas ku mutaystay dadaalka ay ugu jirto hiilka afka hooyo, taageerada ay la garab taagan tahay naadigiisa ee isugu jira dhinacyada tababbar-siinta, dhiirigalinta iyo taaba-galinta barnaamijyada uu naadiga abaabulo, Iwm ah.
Horey ayay Akademiye-Goboleedka AfSoomaaliga ugu soo guuleystay shahaadooyin , bilado iyo abaal marinno kale oo ka kooban heer Caalami, heer Qaaraddeed iyo kuwo gaarsiisan heer Soomaaliyeed, kuwaasi oo ay ku mutaysatay dadaalka hagar la’aaneed ee ay ugu jirto ilaalinta, hiilka iyo horuminta afka Soomaaliga.
















