Xaflad lagu maamusayay furitaanka Xafiis cusub oo uu yeeshay Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Banaadir, ayna ka soo qeyb-galeen madaxda naadigaas iyo masuuliyiin ka socotay qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa shallay oo ku beegneyd 17-10-2019 waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha naadiga akhriska iyo qoraalka Banaadir Khadar Cabdi C/llaahi oo hadal kooban ka soo jeediyay munaasabaddaas ayaa sheegay inuu naadigiisa ku faraxsan yahay furitaanka xafiiskaasi, waxaana uu caddeeyay xafiiskaasi inuu ka dhashay hinside iyo dadaal ay sameeyeen xubnaha naadigiisa, isaga oo dhanka kale u mahad-celiyay saaxiibadii kala soo qeyb galay furitaanka xafiiskaasi.
Madaxdii ka socotay qeybaha kala duwan ee bulshada oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa naadiga Banaadir ku bogaadiyay furitaanka xafiiskaasi, waxayna naadigaasi ku guubaabiyeen inuu laba jibaaro dadaalka uu ugu jiro xoojinta Akhriska iyo Qoraalka.
Munasabaddaasi ayaa goob joog waxaa ka ahaa madax ka socotay saaxiibada naadigaasi oo ay ka mid ahaayeen: dhallinyarada Degmada Xamar Jajab, madaxda madbacadda KPC, xubno mata’ayay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), wakiilo ka socday AYUC-Soomaaliya iyo marti sharaf kale.














