Muxaadaro looga hadlayay 𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚, uuna soo qabanqaabiyay n𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐚 a𝐤𝐡𝐫𝐢𝐬𝐤𝐚 iyo qoraalka 𝐐𝐚𝐥𝐢𝐧𝐪𝐨𝐲𝐚𝐧 ayaa shalay oo ku beegneyd 22/7/2026, waxaa lagu qabtay xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ee magaalada Muqdisho.
Muxaadaradaasi oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay aqoonyahanno, xeeldheerayaal, maskaxmaal, naadiyada akhriska iyo qoraalka iyo qaar ka mid ah ardayda jaamacadaha dalka, waxaana soo jeedinayay 𝐃𝐫. 𝐗𝐚𝐦𝐳𝐞 𝐗𝐚𝐛𝐢𝐢𝐛.
Aqoonyahankii soo jeedinayay muxaadaradaasi ayaa caddeeyay inuu jahligu yahay udub-dhexaadka aafooyinka bulshada, wuxuuna iftiimiyay in aqoonta dhabta ah ay tahay midda dadka lala wadaago.
𝐃𝐫. 𝐗𝐚𝐦𝐳𝐞 𝐗𝐚𝐛𝐢𝐢𝐛 oo sharraxaada casharkiisa sii wata ayaa hoosta laga xarriiqay in lacagtu aysan qofka beddelin, balse ay bannaanka keento asalkiisa dhabta ah, haddii uu yahay qof wanaagsan iyo haddii uu kibir badan yahay, isagoo si faahfaahsan u qeexay farqiga u dhexeeya ‘𝐁𝐚𝐚𝐡𝐢𝐝𝐚’ iyo ‘𝐑𝐚𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚.
Gabagabadii muxaadaradaasi, waxaa ka hadlay guddoomiyaha naadiga Qalinqoyan Ismaaciil Cabdullaahi Mrk, wuxuuna u mahadceliyey 𝐃𝐫. 𝐗𝐚𝐦𝐳𝐞 𝐗𝐚𝐛𝐢𝐢𝐛 iyo dhammaan ka soo qaybgalayaashii kulankan aqooneedkaasi qiimaha badan.















