Xaflad aad u qurux badan, isuguna jirtay Soo-dhaweyn iyo Qado Sharaf loogu talagalay Wakiillada AGA ee Qaaradda Yurub, ayna soo qaban-qaabiyeen hawl-wadeennada Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ee Xarunta Dhexe ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabaddaasi oo si wacan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda AGA ee Qaaradda Yurub oo uu hogaaminayay Wakiilka AGA ee Qaaraddaasi Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon, waxaana wehlinayay Wakiilka Akadeemiyada ee wadanka Sweden Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad) iyo Drs. Seynab Daahir oo ka tirsan masuuliyiinta AGA ee dalka Ingiriiska, sidoo kale waxaa munaasabaddaasi ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Abwaannada Soomaaliyeed Abwaan Xersi Dhuux Maxamed, Guddoomiyaha Naadiga Hillin-hayaan Cabdulqaadir Jubba iyo masuuliyiin kale oo lagu casuumay xafladdaasi.

Hadalo isugu jira isbarasho, kala warqaadasho iyo sidii la isaga kaashan lahaa Hiilka Afka Hooyo ayaa halkaasi la isku dhaafsaday, farxad ayaa wajiyadooda laga dareemayay xubnihii qadadaasi isugu yimid, kuwaasi oo sheegay inay ku faraxsan yihiin kulanka qadada ah oo ay wada qaateen.

Wafdiga AGA ee ka yimid Qaardda Yurub ayaa horey u soo booqday Xarunta Dhexe ee Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ay ku leedahay magaalada Muqdisho.