Maalmuhu wey socdaan, waqtiguna waa is gurayaa, maalmo kooban ayaa innaga xiga waqtigii loo ballamay in caasimadda Soomaaliya lagu soo bandhiggo buugga qiimaha badan ee “Habdhigaalka Af Soomaaliga Guud (Midayn, Casriyayn iyo Horumarin).
Bandhigga buugaasi oo ku beegan 02/8/2024, ayaa lagu madlan yahay in daahfurkiisa uu ka dhaco hoolka weyn ee hotel Jaziira ee magaalada Muqdisho.
Boqollaal ka mid ah ehellada afka, dhaqanka, bahda waxbarashada iyo dhallinyarada jecel akhriska & qoraalka ayaa si weyn u sugayo maalinta lagu ballansan yahay bandhigga buugaas cilmiga u saaaxiibka ah.
Ammaan iyo duco waxaa mudan macallin, qoraa, xeeldheere iyo Barasare Cabdalla Cumar Mansuur oo ah qoraha buugaas aan marnaba laga xiisa dhaceyn, nasiib waxaa leh ruuxii hela nuqul ka mid ah “Habdhigaalka Af Soomaaliga Guud (Midayn, Casriyayn iyo Horumarin).