Ehelada afka, dhaqanka iyo bahda jecel akhriska & qoraalka oo iskaashanayo ayaa diyaargarow aad u ballaaran ugu jiro Daahfurka Qisada caan baxday ee Maana-faay.

Maalmuhu wey socdaan, saacadduna wey wareegaysaa, xilli kooban ayaa inaga xiga waqtigii loo balamay in Caasimadda Soomaaliya lagu soo Bandhiggo sheekada la wada sugayo ee Maana-faay.

Hadal-haynta ugu badan ee iminka ka jirta magaalada Muqdisho ayaa ah Munaasabadda loogu tala-galay Daahfurka Maana-faay, Boqollaal ka mid ah bahda jecel akhriska ayaa si weyn u sugayo maalinta loo madlan yahay Bandhigga buuggaas xiisaha badan.

Shaki kuma jiryo Ehelada afka Soomaaliga, asaxaabta xiiseysa Sheekooyinka & Boqollaalka lagu casuumay Daahfurka Maana-faay inay ka heli doonaan munaasabadda loo qorsheeyay Bandhigga sheekadaasi.

Ammaan iyo Duco waxaa mudan in loo hibeeeyo Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ah qoraha buuggaas aan marnaba laga xiisa dhaceyn, nasiib iyo ayaan waxaa leh ruuxii hela Nuqul ka mid ah Maana-faay.

Waqtigu waa is gurayaa, maalmo kooban kadib oo ku beegan maalinta Isniinta ah, taariikhduna ay ku Asteysan tahay 29 Abriil 2019 ayaa lagu wadaa in Sheekadaas qiimaha badan lagu soo Bandhiggo Hoolka bilcda-san ee Beerta Nabadda, saacaddu marka ay tahay 9:00 Subaxnimo, ha moogaan

Allow  yaanan  waayin Maana-faay iyo yaa nasiib leh oo nuqul ka hela Maana –faay ayay sheeko  taagan tahay!