Bandhiggii Buugta Banaadir oo intii u dhaxaysay 2-4/2/2021 si qurux badan uga socday magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa si rasmi ah loogu soo af-meeray Xarunta Dhallinyarada G/Banaadir oo uu ka socday bandhiggaasi

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade oo soo xirtay Bandhiggaasi ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay qabashada bandhiggaasi oo muddo saddex maalin ah ka socday Gobolka Banaadir, iyada oo u mhad-celisay Midowga Qorayaasha Soomaaliyeed oo soo abaabulay.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhaxla iyo Xildhibaan Sahra Cumar Maalin oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa shegay inay soo dhaweynayaan qabashada bandhiggaasi oo ay isku xilqaamaan dhalinyaro Soomaaliyeed, iyaga oo ku boorriyay inay dadaalkooda halkiisa ka sii wadaan.

Maamulka Bandhigga Buugta Banaadir oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay u mahad-celiyeen dhammaan Hay’adihii iyo shaqsiyaadkii ka qeyb-qaatay suurta-galinta bandhiggaasi, iyaga dhanka kale bogaadiyay bulshada ku nool caasimadda oo door wanaagsan ka qaadatay intii uu socday bandhiggaasi.

Bandhiggaasi oo aad loo jecleystay ayaa waxaa ka soo qeyb-galay 50 qoraa, abwaanno, masuuliyiin iyo qaybaha kale duwan ee bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir.