Munaasabad aad u ballaaran oo ay soo qaban-qaabisay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), looguna tala-galay Daah-furka buugga War Helaa – Tala Hela ee Qaamuuska Siyaasiga Da’da yar, ayna ka soo qeyb galeen Xildhibaanno, Abwaanno, Qorayaal, Fannaaniin, ehelada afka, dhaqanka iyo hal-abuurka, Saxafiyiin iyo dhallinyarada danaysa akhriska iyo qoraalka ayaa maanta oo ku beegan 15/8/2019 waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Ku-xigeenka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim oo ah qoraaga buugga Qaamuuska Siyaasiga Da’da yar ayaa halkaasi ka soo jeedisay warbixin dheer oo ku saabsan nuxurka uu xambaarsan yahay buuggaasi, waxaana ay sheegtay inay buuggaasi ugu tala-galashay sidii ay bulshada Soomaaliyeed ugu iftiimin laheyd sooyaalka taariikheed ee wadankooda soo maray.
“Buugga Qaamuuska Siyaasiga Da’da yar, waxa uu ka kooban yahay Labaatan cutub oo taariikh ah, taariikhdaas oo ka soo bilaabanaysa 1941-kii, buuggan waxa uu si tifaf-tiran u macneynayaa sababta keentay Wasaayadii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, aas-aaskii SYL, dhalashadii Dawladdii daakhiliga aheyd, xornimo qaadashadii Soomaaliya, maamulka Dawladdihii rayidka ahaa, inqilaabkii Kacaanka, Dagaalkii 1977, bur-burkii Soomaaliya, imaatinkii Unisom, ka bixitaanka xilligii Ku-meel-gaarka ahaa, Shidaalka Soomaaliya, khilaafka baddeed ee Soomaaliya iyo Kenya, qadiyadda Somaliland iyo cutubyo kale oo xiiso badan” ayay tiri qoraa Maryan Cariif Qaasim.
Guddoomiye Ku-xigeenka AGA Xildhibaan Maryan Cariif oo hadalkeeda sii wadata ayaa caddeysay inay si aad ah ugu faraxsan tahay soo saarista buuggeeda cusub, waxaana ay ku boorisay shacbiga Soomaaliyeed inay bartaan taariikhda dalkooda, iyada oo u mahad celisay hawl-wadeennada Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo soo agaasimay munaasabadda Daah-furka buuggaasi.
Hadal jeedintaasi kadib, waxaa loo gudbay falanqeynta buugga Siyaasiga Da’da yar, waxaana gorfayntaasi ka qeyb qaadatay Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dhalxa, Admiral Guuto Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare), Aqoonyahan Xasan Sheikh Cali iyo C/llaahi Sheikh Cabdi {Gacanka}, waxaana faaqidaadaas hogaaminayay Al-ustaad Cabdi-naasir Yuusuf Macallin, aqoonyahannadaasi ayaa qiray in buugga Siyaasiga Da’da yar uu Dhaxal reeb Qaran u yahay dhallinyarada Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Golaha Abwaannadda Soomaaliyeed Abwaan Xersi Dhuux Maxamed iyo Yaxye Daahir Xuseen (Axyaa Wadani) oo ku hadlayay magaca Naadiyada iyo Xarumaha akhriska iyo qoraalka ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin bandhigga fiican ee loo sameeyay buugga War Helaa – Tala Hela ee Qaamuuska Siyaasiga Da’da yar, waxayna bogaadiyeen qoraaga buuggaasi qiimaha badan Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim.
Munaasabaddaas oo ku soo gaba-gabowday jawi aad u wanaagsan ayaa dadkii ka qeyb-galay waxay halkaasi ku qaateen nuqlo ka mid ah buugga Siyaasiga Da’da yar, waxaana nasiib wanaag ahaa inay buuggaasi saxiixaysay qaraa Maryan Cariif Qaasim.














