Munaasabad aad u ballaaran oo loogu talagalay daah-furka buugga caan baxay ee Maana-faay, ayna ka soo qeyb galeen in ka badan Afar Boqol oo ruux oo isugu jiray Xildhibaanno, Abwaanno, Qorayaal, Fannaaniin, ehelada afka, dhaqanka iyo hal-abuurka, Saxafiyiin iyo dhallinyarada danaysa akhriska iyo qoraalka ayaa maanta lagu qabtay hoolka Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho.
Guddooomiye Ku-xigeenka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim oo ka hadashay furitaankii munaasabaddaas ayaa sheegtay shacbiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho inay nasiib u yeesheen inay si toos ah uga soo qeyb galaan bandhiigga buugga Maana-faay oo Afartan sanno ka hor lagu qoray isla magaalada Muqdisho.
“Mudanayaal iyo Marwooyin waxaa iga guddoontaan salaan aan idinkaga sido qoraaga sheekada Maana-faay ahna Guddoomiyaha AGA Dr. Maxaed Daahir Afrax, Guddoomiye Afrax aad buu u jeclaa inuu maanta munaasabaddaan nagala soo qeyb galo laakiin uma aysan suurta-galin safar uu dibadda ugu maqan yahay darteed, inkastoo qof ahaan uusan nala joogin haddana waxaa nala joogo qalbigiisa iyo qoraalkiisa’ ayay tiri Xildhibaan Maryan Cariif oo sheegtay qisada Maana-faay inay tahay dhaxal Soomaaliyeed oo ay xaq tahay jiilba jiilka ka dambeeyo inuu u sii gudbiyo.
Guddoomiye ku-xigeenka AGA oo hadalkeeda sii wata ayaa xustay in munaasabadda bandhigga buugga Maana-faay ay ku lamaansan tahay “Xuska Caalamiga ah ee Maalinta Buugga iyo Dhawrista Xuquuqda Hal-abuurka”, waxayna dhan kale si qoto dheer uga hadashay dadaalka ay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ugu jirto daryeelka iyo hiilka afka Soomaaliga.
Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta, Dhaqanka iyo Isgaarsiinta Golaha Baarlamaanka Federaalka Xildhibaan Khaalid Macow Cabdulqaadir, Bare sare Mustafa C/llaahi Feyruus, Al-ustaad C/laahi Shiikh Aadan (Gacanka) iyo Dayax Axmed Maxamed oo ka wada tirsan Akadeemiye-Goboleedka iyo Macallin C/qaadir Cabdi Axmed {Jubba} ayaa si xiiso badan u faaqiday qisada Maana-faay, waxayna si macaan badan uga faalleeyeen taariikhda iyo sida farshaxannimada leh oo ay sheekadaas u qoran tahay.
Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Abwaannadda Soomaaliyeed Abwaan Xersi Dhuux Maxamed iyo Khadar Cabdi C/llaahi oo ku hadlayay magaca qaban-qaabiyaasha munaasabaddaas ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin bandhiigga fiican ee loo sameeyay sheekada Maana-faay, waxayna bogaadiyeen qoraaga sheekadaas Dr. Maxamed Daahir Afrax, iyaga oo dhinaca kale balanqaaday inay Akadeemiyada AGA kala shaqeyn doonaan dadaalka ay ugu jirto illaalinta afka hooyo.
Munaasabaddaas gaba-gabadeedii ayaa ka qeyb-galaayashii Xafladaas waxay halkaasi ku qaateen nuqlo ka mid ah buugga Maana-faay oo saxiixan, waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay helaan buuggasi.
Dhawaan ayaa qisada Maana-faay waxaa horey loogu soo bandhiggay magaalooyinka Bristol, Gothenburg iyo London oo ka kala tirsan wadamada Ingiriiska iyo Sweden.














