Munaasabad aad u qima badan oo lagu maamusayay Bandhigga sheekada caan baxday ee Maana-faay, ayna ka soo qeyb galeen dad fara badan oo isugu jirey qorayaal, abwaanno, culumaa’udiin, saxafiyiin, ururrada bulshada iyo waxgarad kale, ayaa xalay oo ku beegneyd  (30/3/2019) waxaa lagu qabtay magaalada Gothenburg ee wadanka Sweden.

Xafladdaas oo aheyd mid si  wanaagsan loo soo abaabulay ayaa waxaa loogu tala-galay Daah-furka daabacaadda cusub ee Maana-faay iyo soo dhaweynta qoraageeda, Dr Maxamed Daahir Afrax oo ah Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), ahna Aasaasihii Naadiga PEN ee Qalinleyda Soomaaliyeed (Somali PEN).

Furitaankii madashaas waxaa  ka hadlay Sheikh C/raxmaan Sheikh Muxyadiin Celi, qoraa Axmed Maxamuud Calasow, Falstiin  Sheikh  Maxamuud oo ah macallimad afka Soomaaliga ka dhigta wadanka Sweden iyo Dr. C/llahi Shiikh Xuseen (Hantiwadaag), kuwaasi oo  sheegay in reer Gothenburg ay sharaf iyo farxad u tahay in uu soo booqdo Prof. Afrax, waxayna caddeeyeen Gudoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga  Prof. Afrax inuu  yahay aqoonyahanka kaliya ee guntaday bad-baadinta afka Soomaaliga markii uu dhacay Qaran-jabkii Soomaaliya, iyaga oo Dr. Afrax uga mahad-celiayay sida uu had iyo goor ugu taagan yahay nooleynta afkeena hooyo.

Hadalada masuuliyiintaas oo isugu jiray soo dhaweyn iyo bogaadin kadib waxaa cod-baahiyaha lagu soo dhaweeyey Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, Dr. Afrax. Guddoomiyuhu wuxuu hadalkiisa ku bilaabay mahadcelin iyo bogaadin guud ahaan jaaliyadda Gothenburg iyo madaxdii soo abaabushay munaasabadda. Ka dibna wuxuu ka taariikheeyey duruufihii ku xeernaa qoritaankiisa Qisada la-yaabka leh ee Maana-faay iyo sababihii ku kallifay qoristeeda.

Waxaa asaguna buugga Maana-faay iyo waxqabadka qoraa sare Afrax xog-warran dheer ka bixiyey Prof. Cabdulqaadir Ruumi, oo ka mid ah madaxda sare ee AGA UK, kana mid ahaa wafdigii la socday  Guddoomiyaha AGA. Waxaa kaloo isla arrimahaas iyo hiilka afka hooyo ka hadlay dhawr qof oo ka mid ahaa  aqoonyahannadii ka soo qeyb-galay munaasabaddaas.

Madashaas oo aheyd mid  qurux badan ayaa waxaa lagu soo gunaanadey su’aalo dadku buugga ka weydiiyeen qoraaga iyo jawaabo uu ka bixiyey, taas oo uu garab socdey saxiix qoraagu u saxiixayey dadkii badnaa ee buugga iibsadey.

Ugu dambayntiina waxaa lagu khatimay abaal marino iyo hadiyaddo lagu maamuusay Prof. Maxamed Daahir Afrax oo uu guddoonsiiyey Axmed Nuur oo ah milkiilaha dukaanka weyn ee buuggaagta “Shabeelle Book Shop”.