Munaasabad ballaaran oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen naadiga qalinlayda iyo hal-abuurka Soomaaliyeed (Somali Pen), laanta Muqdisho iyo jaamacadda Green Hope, looguna talaggalay soo dhaweynta guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), Macallin Siciid Saalax Axmed ayaa 9/1/2025, waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Maamulaha jaamacadda Green Hope Prof. Mustaf  Macallin Cabdulle , guddoomiye kuxigeenka naadiga Somali Pen Axmed Maxamed Dhicisow iyo xoghayaha naadigaasi Cabdulqaadir Cabdi Axmed (Jubba) oo ka hadlay munaasabadaasi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin qabashada kulanka soo dhaweynta ee loo sameeyay guddoomiyaha AGA Macallin Saciid Saalax Axmed, waxayna caddeeyeen inay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka jaamacadda Green Hope iyo Somali Pen kala dhaxeeyo Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga.

Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), Macallin Siciid Saalax Axmed oo isna munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay jaamacadda Green Hope iyo Somali Pen inuu uga mahadnaqayo soo dhaweynta ay u sameeyeen, wuxuuna ballanqaaday inuu sii adkeyn doono xiriirka seddex geesoodka ah ee ka dhaxeeya AGA, Green Hope iyo Somali Pen, isago dhanka kale ka qaybgalayaashii munaasabadaasi ku boorriyay inay hiil u noqdaan af Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa suugaaneed.

Munaasabadaasi oo ku dhacday jawi aad u wanaagsan, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Mudane  Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon oo ka mid ah guddiga fulinta ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga iyo masuuliyiin kale.