Munaasabad loogu talaggalay xuska kaltirsiga Soomaalida, ayna iska kaashadeen xarunta cilmibaarista Xaanshow & Akademiyada Cilmiga ayaa maanta oo ku beegan 16/7/2026, waxaa lagu qabtay xarunta Akademiyada Cilmiga ee magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn, waxaa munaasabadaas ka hadlay maamulaha xarunta Haanshow, ahna wakiilka AGA ee Hirshabeelle Maxamuud Cabdi Cismaan (Xaanshow), oo halkaasi ku soo bandhigay macluumaad ku saabsan kaltirsiga sannadka Soomaalida, wuxuuna caddeeyay maanta inay tahay maalin qiimo badan oo uu billaabanayo sannadka cusub ee Soomaalida (Dabshidka), kaasoo xilligaan marayo 1117 sanno, isagoo iftiimiyay xuskan inuu qayb ka yahay ilaalinta caada dhaqameedka ay lahaan jirtay ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Akaddemiyada Cilmiga Ismaaciil Yuusuf Cusmaan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay macluumaadka ku aaddan sannadka Dabshidka ee uu soo bandhigay xeeldheere Maxamuud Xaanshow, wuxuuna hoosta ka xarriiqay inay mar walba diyaar u yihiin soo nooleynta caada dhaqameedyada hadda sii lumaya.

Munaasabadaas ayaa qeyb, waxaa ka ahaa kooxdaa ciyaaraha ee hobollada Waabaari.